Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Qamri iyo xashiish farabadan

Ciidamada amniga Magaalada Gaalkacyo ee  Xarunta Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay Maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaaladaasi

Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad galyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug, kaasi xalay ka dhacay xaafado ka tirsan  magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin Qamri iyo Xashiish aad u farabadan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo, isla markaana goob fagaare ah ku gubay.

Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka mudug G/sare Cabdirasaaq maxamuud sheekh yuusuf (faracadde iyo G/dhaxe qaasim shirdoon cali iyo ayaa ugu horayn warbaahinta uga warbixiyay howlgalka iyo sida ciidamada amnigu ugu guulaysteen.

Sidoo kaleTaliye ku xigeenka ciidanka Booliiska galmudug G/sare maxamed nuur cali  ayaa isna xusay in Qamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darada, iyo falalka dhaqan xumada ah ee mudooyinkaan danbe ku soo kordhay Gaalkacyo.

Ugu danbayntii guddoomiyaha gobalka Mudug C/raxmaan cali diiriye isxal ayaa isna bogaadiyay kaalinta ciidamada Booliiska iyo  Nabad sugidda ay ka qaateen amniga gobalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media