Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa ka Jawaabay hal xalay ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka,kaasi oo ahaa in uu fashilmay Imtixaankii Puntland.
Waxaa uu sheegay Cabdullaahi Maxamed in shalay deegaanada Puntland uu si wanaagsan kaga bilowday Imtixaanaadka Shahaadiga dugsiyada sare iyo kuwo dhexe ee Puntland,isla markaana Ardayda Imtixaanka u galeen si nabad ah oo wax dhibaato ah aysan jirin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Wasiirka Waxbarashada maamulka Puntland in wax fashil ah uusan ku imaan Imtixaanaadka Puntland,waxaana xusay in Wasiir Goodax Barre laga rabo meesha uu ka keenay warkii uu yiri ee ahaa in Imtixaankii shalay ka bilowday Puntland uu fashilmay.
Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka oo ku sugan Magaalada Jowhar oo xalay kulan la qaatay Madaxda sare ee Hirshabelle ayaa sheegay in Imtixaankii dowlad Goboleedka Puntland uu fashil ku yimid,hayeeshee arrintaas ayaa waxaa si cad u beeniyay Maamulka Puntland.
Gaba-gabadii Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa waxaa uu sheegay in wax wadashaqeyn ah haatan uusan ka dhexeeyn Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa shalay Imtixaan u furay in ka badan 15,800 oo arday,kuwaasi oo waxka barta Iskuulada waaweyn eek u yaalla Gobolada Puntland.