Kim Jong-un ayaa maamulada Kuuriyada Waqooyi uga digay iney isu diyaariyaan khatarta fayraska corona iyo dufaanta. Mr Kim ayaa ka soo muuqday munaasabad kaddib warar la isla dhexmarayay oo shaki gelinayay xaaladdiisa caafimaad.
Kuuriyada Waqooyi ayaanan ilaa haatan laga xaqiijin kiis fayraska corona ah, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu gaaro xanuunka uu si xowli ah ugu faafayo uuna saameyn weyn ku yeelan doono dalkaasi aanu dhaqaalihiisa cagaha badan ku taagneyn.
Dhanka kale dabayaaqada toddobaadkan ayaa waxaa la filayaa in duufaanta Bavi ay ku dhufuto Kuuriyada Waqooyi.
Mr Kim oo ka hadlayay kulan ka dhacay olitburo ayuu isagoo sigaar dhuuqayo ka sheegay in laga gaabiyay dadaalladii ka hortagga fayraska corona ee Kuuriyada Waqooyi laga waday. Sida ay soo werisay warbaahinta qaranka iyada oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.
Xukuumadda Pyongyang ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay in dalkeeda aanan laga helin fayraska corona, inkastoo hadalkaasi shaki la gelinayay. Ma jirin wax kiis ah oo lagu dhaawaqay balse warbaahinteeda ayaanan muddo dhowr toddobaad ah joojisay sheegashada ah in laga aana weli laga helin kiis la xiriira fayraska corona.