Puntland oo Digniin Cusub kasoo saartay Roobab xooggan  

Wasaaradda Arrimaha deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay Digniin Cusub oo ku socota dadka degan Gobolada Bari, Nugaal, Sanaag iyo Sool, waxaana halkaas ku wajahan roobab xoogan oo sababi kara daadad.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda deegaanka Beeraha ayaa waxaa lagu sheegay in afarkaas Gobol laga qabsi qabo inay ka da’aan roobab sababi kara daadad xoogan, isla markaana daadadka ku rogmadaan deegaano ka tirsan Goboladaas.

Dadka deggan deegaanada ay dhulalkoodu hooseeyaan, meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga ayaa loogu baaqay inay ka digtoonadaan daadadka ka dhalan kara roobabka xoogan ee ku wajahan Gobolada Bari, Nugaal, Sanaag iyo Sool.

Digniintan kasoo baxday Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay roobab xoogan oo dabeylo wata ay ka da’een Gobollada Sool iyo Cayn.

Roobabka ayaa siweyn uga da’day Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo deegaanada hoostega, isla markaana waxaa roobabka ku diirsaday dadka iyo duunyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media