Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Su’aal adeg uu ka Jawaabi waayay Farmaajo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Madaxweynihii Maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay Jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay su’aal la xiriirtay Doorashada oo habeeno kahor laga weydiiyay Sool iyo Sanaag.

Cali Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn aysan waxba u oolin Magaalada Muqdisho, kadib markii jawaab la’aantii Madaxweyne Farmaajo.

“Sool, Sanaag iyo Cayn waxba uma yaalaan Xamar kadib jawaab la’aantii Madaxweyne Farmaajo, waxaan islahaa Farmaajo wuxuu goboladaas u ogolaanayaa Maamul inay dhistaan ileen dowlada ayaa dhistay maamuladaan kale” ayuu yiri Cali Khaliif.

Madaxweynihii Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha Maamulka Galmudu laga maray dhibaato farabadan, isla markaana laga wada ogaa qarashka ku baxay, wxuuna dadka degan Sool, Sanaag iyo Cayn ugu baaqay inay isku tashadaan.

“Galmudug sida lagu dhisay, dhibka laga maray iyo qarashaadka la galiyay waala ogaa. Hadaba Sool, Sanaag iyo Cayn waa inay tashadaan oo hurdada kakacaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Khaliif Galeyr.

Si kastaba Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay Dood cilmiyeed lagu qabtay Muqdisho ayaa laga weydiiyay Su’aal ku saabsanayd halka ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaanada Heer Federaal ee ka imaanaya Gobollada Sool iyo Sanaag,  isagoona sheegay in ay tahay su’aashaas mid adeg, isla markaana uusan ka jawaabi karin.

Comments
Loading...