Amiirka Cusub ee Kuwait oo la dhaariyey iyo shaqadiisa ugu horreysa la shaaciyay

Fadhi ay Maanta yeesheen golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa lagu dhaariyey Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir oo ahaa sii hayaha Amiirka Kuwait, intii uu xanuusanaa Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Amiirkii dalkaas oo shalay Maraykanka ku geeriyooday.

Sheekh Nawaaf oo ay walaalo ahaayeen Amiirka dhintay ayaa jeediyey hal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dalkiisa iyo mas’uuliyadda cusub ee loo dhaariyey, waxaana uu sheegay inuu shacabka dalkiisa uga tacsiyeynayo geerida Amiirka,

Sidoo kale Sheekh Nawaaf ayaa waxaa uu tilmaamay inuu sii wadayo hawlaha dawladda, sida ay farayso mas’uuliyadda uu qaaday.

Amiir Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir ayaa Hawsha ugu horraysa ee shaqadiisa cusub waxay noqonaysaa aaska Amiirka oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, diyaaradna lagu keenayo Maydkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media