Puntland ayaa beenisay in markab la sheegay in lagu afduubtay gobolka Gardafuu ee bariga Puntland, hase ahaatee waxay xaqiijisay in ciidamadeedu ay hub kala degeen markabka oo u rarnaa Muqdisho kana yimi Imaaraadka carabta.
warar soo baxay aya sheegaayay in markabkaas oo calanka Panama uu ka dul babanayay ay afduubteen Burcad badeed, saraakiisha waa ay beeniyeen in markabkaas la afuubtay, waxaana ay sheegeen oo kaliya in rag loo diray ay hub kala degeen Markabka, balse warar isi soo tarayay ayaa sheegay in markabkaasi uu gacanta u galay Burcad-badeed.
Wasiirka Kalluumeysiga Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa u sheegey warbaahinta maxalliga ah in 3 qori oo ahaa hubkii ilaalada markabka ay qaateen askar loo diray.
Wasiirku wuxuu sheegey in markabku uu muddo saddex maalmood ah joogay xeebta, ayna ka shakiyeen, isla markaasna dowladdu u dirtay askarta si ay u hubiyaa, Wuxuu intaas ku daray in ay hubkii lagala degey dib loo celinayo, markabkana la fasixi doono.