Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay wejiga saddexaad ee Shirkii u socday Madaxweyne Farmaajo iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay hanaanka Doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2020/2021, iyadoona ugu dambeyn Shirka laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, xili shirka ay ka maqnaayeen Jubbaland iyo Puntland.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Duqa Muqdisho ayaa ku heshiiyay in dalka ay ka dhacdo Doorasho dad-ban, isla markaana noqoto mid deegaan doorasho ah.
War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka ayaa waxaa ku jira in ergo gaareysa 301 ay soo dooran doonto kursi kasta oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, halka Baarlamaanka dowlad goboleedyada ay dooran doonaan Golaha Aqalka Sare.
Sidoo kale Madaxda ayaa ku heshiiyay in qorsheynta iyo fulinta Doorashada dalka looga dambeyn doono Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana Guddiga looga baahan yahay hirgelinta Doorashada
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3.