Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain ayaa sheegtay inay hayaan warar sheegayo in Muwaadin haysta Dhalashadda British lagu xiray magaalladda Muqdisho.
Afhayeenad u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka AFP in Muwaadinkaasi Somali-Britishka oo lagu magacaabo Xamsa Maxamed uu u shaqeeya Janalka Afka Englishka ee Telefishinka Aljazeera oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa.
Xamsa Maxamed iyo Sawir-qaadihiisa iyo labo nin oo la socotay ayey Ciiddanka NISA qabteen maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, xilli ay ka soo laabteen Degmadda Afooye.
Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain waxay sheegtay inay diyaar u yihiin inay Xamsa Maxamed siiyaan Taageeradda Qunsulliyadda haddii uu u baahdo.
Xamsa Maxamed iyo Sawir-qaadihiisa iyo labo nin oo la socotay ayey Ciiddanka NISA qabteen maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, xilli ay ka soo laabteen Degmadda Afooye.
©Radio Dalsan