• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Ninka lagu tuhunsan yahay Qarixii Daallo Airlines oo ka mid ahaa Rakaabkii raaci lahaa Turkish Airlines.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 8, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxa Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin “Colaad” ayaa tilmaamay in Ninka lagu tuhunsan yahay inuu isku dhex qarxiyey Diyaaradda Daallo uu ka mid ahaa 74-kii qof ee Rakaabka ee asasl ahaan ay soo hubiyeen Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo Toddobaadkiiba 3 Duullimaad ku timaada Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

“Rakaabkaasi ma ahayn Rakaabkeenna, waxay ahaayeen kuwa Turkish Airlines ee ku qornaa Duullimaadkii ay Turkish Airlines joojisay maalintaasi” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo Wareysi siiyey Telefishinka Aljazeera.

Waxa uu intaasi ku daray inay Daallo Airlines loo soo xawilay Rakaabkaasi, kadib, markii ay Saraakiisha Turkish Airlines  ku soo wargeliyeen Sarakiisha Daallo Airlines inaysan imaan karin Muqdisho sababo la xiriira dabaylo xooggan oo dhacayey.

Dhinaca kale, Madaxa Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin “Colaad” waxa uu ku eedeeyey Maamulka Turkish Airlines inaysan iyaga la soo xiriirin, tan iyo markii uu Qaraxa ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.

“Turkish Airlines nalama aysan soo xiriirin ilaa markii uu dhacay shilka. Waxaana dhihi kartaa inay iska fogeynayaan shilkaasi” ayuu yiri Ma’uulka ugu sarreeya Guddiga Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines.

Sidoo kale, Duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines ee uu qaraxu ka dhex dhacay waxa uu Ammaanka Hareeraha Diyaaradda ee Garoonka Muqdisho la barbar dhigay mid Heer Eber taagan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duuliyaha oo lagu magacaabo Vlatko Vodopivec una dhashay dalka Serbia ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ee laga leeyahay dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay inuu qarax ahaa wixii ka dhex dhacay Diyaaradda.

Waxa uu intaasi ku daray inuu qaraxu ka xoog badnaan lahaa haddii ay Diyaaradda dhulka u jiri lahayd masaafo dhan 30,000 oo cagood ama Feet.

Waxa uu tilmaamay inay Diyaaradda ku duulaysay Joog Hoose, taasina ay keentay inuu yaraado qaraxa Diyaaradda, isla markaana uu awooday inuu Diyaaradda si nabad ah ku soo degto Garoonka Aadan Cadde.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyada oo ay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka gacanta ku hayaan dad lala xiriirinayo Qarixii ka dhex dhacay Daallo Airlines

Telefishinka Dowladda Federalka ee SNTV ayaa baahiyey Muuqaal lagu duubay Kameeradda Qarsoon ee CCTV ee ku rakiban Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, taasi oo laga dheehan karo Eedeysanayaasha ka dambeeyey qaraxa Daallo Airlines oo loo adeegsaday bam lagu soo dhex qariyey Laptop.

C/llaahi C/salaam Boorle, oo ah Ninka lagu tuhunsan yahay inuu Qaraxaasi fuliyey ayaa waxa Muuqaalkiisa laga arkay CCTV, isagoo loo dhiibayo Laptop-ka uu ku fuliyey Qaraxaasi.

Mmaydkiisa oo la sheegay inuu si aad ah u go’go’ay ayaa laga helay Degmadda Balcad

©Radio Dalsan      

Previous Post

AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda oo saakayto la wareegay magaalladda Marka.

Next Post

Maxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Muwaadin Somali oo si xun u dooxay haweeney.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Maxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Muwaadin Somali oo si xun u dooxay haweeney.

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00