AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda oo saakayto la wareegay magaalladda Marka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka waxay sheegeen inay Alshabaab dib uga gurteen magaalladaasi, kadib, markii ay  Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Waaberigii hore ee saakayto dagaal rogaal-celis ah ku qabsadeen magaalladda Marka.

Goobjoogayaasha waxay sheegeen in weli la maqlayo rasaas ka dhacayso gudaha iyo daafaha magaalladda Marka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga ee Maamul-gobaleedka K/galbeed ayaa xaqiijiyey inay weli Hawlgalo ka socdaan gudaha magaalladda Marka, isla markaana ay AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha Magaalladaasi.

Alshabaab weli kama hadlin dagaalka maanta la sheegay in lagala wareegay gacan-ku-haynta magaalladda Marka iyo Deegaanadda ku hareeraysan.

Tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, magaalladda Marka waxay ku jirtay Xaallad Jahwareer ah, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay marba koox la wareegaysay gacan-ku-haynteeda.

Dhinaca kale, Shalay ayey ahayd, markii ay Alshabaab soo bandhigeen Gaari Teniko ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaal ay Ciiddanka Dowladda kula galeen duleedka Marka.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor