Nin Somali oo dhawaan Qaxooti ahaan ku tegay Maraykanka oo lagu soo oogay Kufsi.

Maxamed Xariir Ayaanle oo bishii September 22-dii ee sannadkan ka dhoofay Somalia, isagoo Qaxooti ahaan u tegay Maraykanka ayaa lagu soo oogay Dembiyo la xiriira falal Kufsi ah.

Wargeyska “The Crookston Times” ayaa qoray in Ninkaasi la soo taagay Maxkamad, kadib, markii lagu soo oogay inuu Jimcihii la soo dhaafay uu Haweeney ku kufsaday magaalladda Minneapolis. Eedeysanaha ayaa muteysan kara Xabsi ilaa 30-sanno haddii lagu helo Kiiska lagu soo oogay.

Wargeyska kale ee The times ayaa qoray in Eedeysane Maxamed Xariir Ayaanle lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan 5,000 oo Dollar, iyadoo shuruud looga dhigay inuusan ka bixi Karin Gobalka Minnesota.

Haweeneyda dhibanaha ee uu ku xad-gudbay Eedeysanaha ayaa Maxkmaadda u sheegay inuu ku cabsi geliyey Mindi, ka hor inta uusan iyada ka xaajo gudanin, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Eedeysanaha, Maxamed Xariir Ayaanle waxa uu qirtay inay iyada raalli ahayd inuu ka danaysto, balse waxa uu beeniyey inuu mindi ku cabsi-geliyey

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor