Baarayaasha Britain oo soo gebagebeeyey Eedeymihii Musuqa ee lagu soo oogay Shirkadda Soma Oil and Gas.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska ka faallooda Arrimaha Dhaqaalaha ee The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London waxay Sarakiisha Xafiiska UK ugu qaabilsan ka-hortaga Dembiyadda Khatarta (SFO) wax dembi ah ku waayeen Shirkadda Soma Oil and Gas oo uu Madax ka yahay Michael Howard.

Hadal shalay ka soo baxay Xafiiska SFO ayaa lagu sheegay inay soo xireen Baaritaankooda ku aadanaa in Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings oo laga leeyahay Britai, kuwaasi oo lagu eedeynayey inay Lacago siiyeey Dowladda Somalia.

Baaritaankaasi waxaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay bishii July ee sannadkii hore, kadib, markii ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta saaran )Somalia iyo Eritera (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group)  ku eedeeyeen Soma Oil and Gas inay Dowladda Federalka, gaar ahaan Wasaaradda Batroolka siiyeen lacag Laaluush ah oo dhan ku-dhawaad 500,000 oo Dollar.

Lacagtaasi ayaa la sheegay inay ku jirtay mushaaraad la siiyey Shaqasiyaad ka tirsan Wasaaradda Batroolka oo qeyb ka ahaa dadkii ku lugta lahaa Qandaraaska Shirkadda Soma Oil and Gas shidaalka uga baarayso Xeebaha Somalia.

Afhayeen u hadlay Soma Oil and Gas ayaa soo dhaweeyey Go’aanka Baarayaasha Xafiiska SFO, iyadoo Baaritaankaasi xayiraad ku noqotay Awoodda Shirkadda si sare loogu qaado macaasheeda.

Shirkadda Soma Oil and Gas waxay Dowladda Somalia Heshiis la saxiixdeen bishii August ee sannadkii hore, oo Shirkadda xuquuq loogu siiyey inay Shidaal ka baari karaan Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Soma Oil and Gas waxay Dowladda Somalia kala xaajoonayaan Heshiiska saami-qeybsiga wax soo saarka Shidaalka, balse ma muuqato in Heshiiskaasi lagu soo gebagebeeyo muddo bilo ah, sababtuna waxay tahay  iyadoo haatan lagu guda-jiro Doorashadda Barlamaanka iyo tan Madaxtinimadda ee Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor