Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Galbeedka Afrika, Maxamed Ibnu Jambas ayaa sheegay inay waajib tahay inuu Yaxya Jaamac xilka ka dego, marka uu Xilligiisa dhamaado bisha Janaayo ee sannadka soo socda, haddii kale lagu soo rogi doono Cunaqabatayn Culus haddii uu ku sii nagaado Awoodda.
Ergayga oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in Madaxweynaha laga guuleystay ee Gambia, Yaxya Jaamac loo baahan yahay inuu Xilka wareejiyo marka la gaaro bisha Janaayo 19-da ee sannadka soo socda.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii Hoggaamiyahaasi looga guuleystay Doorashadii dhacday bishan December 1-dii, waxaana Doorashadaasi ku soo baxay Ganacsade Aadam Baarow.
©Radio Dalsan