Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay 20 June 2015

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey xeerka nidaamka Garsoorka dalka, Ciidamada Dowladda ee ku sugan Cadaado oo hor istaagay fal argagaxiso ah, Horumarka Barnaamijka New Deal, Dastuurka KMG ee Gobollada Dhexe oo la ansixiyey, Japan oo qalab casri ah ku wareejisey Booliska Soomaaliya, Deeq la gaarsiiyey Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya, Barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka oo si fiican u socda, Wadahadalada ka socda Dhuusamareeb oo meel fiican maraya, Dugsiyada Sare ee Koofurta & Bartamaha Soomaaliya oo markii u horreysey Imtixaan Mideysan u fadhiistay, Barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka oo Xamarweyne lagu qabtay, Gurmadka Qaxootiga ka yimid Yemen oo si fiican u socda, Ardey u fariisatay Imtixaan si ay ugu biiraan Booliska Soomaaliyeed, Markab sida Qaxooti Soomaaliyeed oo soo gaaray Boosaaso, iyo Jaamicadda Ummadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Jaamicadaha Koofur Afrika,

Golaha Wasiirada oo ansixiyey xeerka nidaamka Garsoorka dalka

Golaha Wasiirada oo shirkoodii caadiga ahaa yeeshay 18kii June 2015 ayaa waxey uga hadleen oo ay ka doodeen xeerka nidaamka garsoorka, wuxuuna xeerkaani nidaaminayaa qaab dhismeedka awoodda maxkamada garsoorka ee heer Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, madaama ay laga maar maan tahay in la kala cadeeyo awoodaha ay kala yeelanayaan. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey xeerkan oo dib u eegis iyo dib u habeyn lagu sameeyey ka dib markii uu Baarlamaanka ku soo celiyey Golaha Wasiirada. Xeerkan ayaa ka mid ah xeerarka muhiimka u ah fulinta barnaamijka hiigsiga 2016ka.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Cadaado ayaa hor istaagay fal argagaxiso ah

18kii June 2015 ayaa kooxaha argagaxisada ah ay isku dayeen inay hoolka shirka maamul u sameynta ka socda ee Cadaado inay falal is qarxin ah ka sameeyaan oo ay rabeen inay ku argagax geliyaan shacabka isagu yimid inay aayahooda ka tashadaan. Nasiib wanaag ciidanka Dowladda oo aad u foojigan isla markaasna kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa ka hortagay falkaas isla markaasna ku guuleystay in la dilo maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday iyo gaarigoodii qaraxa ka buuxay. Shacabkii shirka u socday haba yaraatee wax khasaaro ah oo soo gaaray ma jirin. Ciidamada Geesiyaasha ah ayaa marwalba diyaar u ah inay difaacaan dalkooda iyo dadkooda.

Horumarka Barnaamijka New Deal

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha ayaa soo dhaweeyay saxiixa lixda barnaamij ee wada-jirka ah iyadoo loo marayo hanaanka horumarinta iyo Dib u-dhiska Soomaaliya (SDRF) kaasi oo qeyb ka ah heshiiska hiigsiga cusub (New Deal Compact). Barnaamijyadan wada-jirka waxay si toos ah u taageerayaan ujeeddooyinka Nabadeynta iyo dhismaha qaranka ee hiigsiga cusub. Barnaamijyadani waxay si gaar ah u dhisi doonaan kartida shaqaalaha rayidka ah ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleedba, waxay taagi doonaan bixinta adeeg cadaaaladeed oo waxtar leh, waxayna shaqo u abuuri doonaan kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Waxay sidoo kale taageeri doonaan hawlaha waaweyn ee ka midka ah waxqabadka barnaamijka hiigsiga dowladda ee 2016, oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlad goboleedyo cusub oo xubno ka ah federaalka ee laga dhiso Koonfurta iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka, iyo tayo-dhiska dalka si uu u gaaro hanaan siyaasadeed oo doorasho dimuqraadi ah. Daahfurka barnaamijyadan oo ka mid ah hanaanka horumarinta iyo dib u-dhiska Soomaaliya (SDRF) wuxuu muujinayaa sida adag oo ay beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya uga go’antahay inay iyagoo mideysan oo hal ah ka wada shaqeeyaan si loo horumariyo nolosha haweenka, ragga iyo carruurta Soomaaliyeed. “Kani waa heshiis muhim ah oo xoojin doonaa hay’adaha dowladda, sidoo kalena wuxuu guul aad u weyn u yahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah“, ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cali Caynte, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Midowga Yurub, waaxda deeqda ee dowladda Ingiriiska (DFID), Sweden, Norway, Denmark, iyo Talyaaniga ayaa ballan qaaday in ka badan 106 milyan oo doolarka Mareynakanka ah muddo saddex sanno ah si loogu taageero barnaamijyadan horumarineed ee mudnaanta leh.

Dastuurka KMG ee Gobollada Dhexe oo la ansixiyey

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa soo dhoweeyey in ergada shirka maamul u sameynta gobolada Dhexe ee Cadaado shirku uga socdo ay 17kii June 2015 cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen dastuurka KMG ah ee maamulkaasi uu yeelanayo. Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in meel aad u wanaagsan uu marayo dadaalka maamulka loogu sameynayo goboladaas waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay dhameestirka howshaas waxaa uuna sheegay in odayaasha dhaqanka goboladaas bilaabayaan soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulkaasi uu yeelanayo. Mudane Odawaa waxaa uu xusay in asbuucyada soo socda la dooran doono gudoomiye baarlamaan iyo madaxweyne isla markaana intaa ka dib qorshaha wasaarada arrimaha gudaha uu yahay in ay sameyso maamulka Hiiraan iyo Shabelaha dhexe oo diyaar garowgiisu socdo hadda.

Japan oo qalab casri ah ku wareejisey Booliska Soomaaliya

Munaasabad kooban oo 16kii June 2015 lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa qalab isgaarsiin oo casri ah oo dowladda Jaban ugu talo gashay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kula wareegay wasiirka Amniga Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana halkaasi ku sugnaa taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiisha Ciidanka Boliiska, saraakiil ka socotay Japan, AMISOM, Qaramada midoobay iyo marti sharaf kale. Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya, kan ciidamada AMISOM, iyo sarkaal ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxay si wada jir ah u soo dhaweeyeen qalabkani loogu deeqay Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Gudaha Crisaaq Cumar Maxamed oo qalabkani muhiimadiisa ka hadlay ayaa sheegay in wax badan uu ka tari doono howlaha isgaarsiineed ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayna ka mahadcelinayaan.

Deeq la gaarsiiyey Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya

Hay’ada Samafalka ee Hormuud Foundation ayaa deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo ay ugu talo gashay in bisha barakeysan ee Ramadaanka lagu quudiyo maxaabiista xabsiga. Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa goob joog ka ahaa munaasabada. Waxaana deeqda la wareeegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). Deeqdan ayaa waxaa ay isugu jirtay raashinka nuucyadiisa kala duwan iyo sidoo kale xoolo nool oo loogu talo galay maxaabiista inta lagu jiro bisha Ramadaan. Maamulaha Hormuud Foundation Mudane Muuse Axmed Nuur ayaa sheegay in mucaawanada ay isagu jirto sedex boqol loor oo bariis ah, sedex boqol loor oo sonkor ah, boqol loor oo bur ah, afar kun afar boqol kilo oo timir ah, kun liitar oo saliida wax lagu karsado ah, boqol gasac oo sharaab ah, boqol iyo konton kiilo oo caleen ah, kun iyo labo boqol oo joog oo isugu jira macawiisyo iyo funaanado iyo ilaa labaatan dumar ah dharkood. Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda ayaa waxey uga mahad celiyeen Hormuud Foundation garab istaagida maxaabiista iyo dadka danyarta ah kuna bogaaadiyay Hay’ada Hormuud Foundation iyo cid kasta oo dooneysa in ay caawiso danyarta in ay sii wadaan oo ilaahay dartiis ay u bixiyaan sadaqada.

Barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka oo si fiican u socda

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo in muddo ahba waday sidii loo soo nooleyn lahaa Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa 16kii June 2015 ay hirgalisay munaasabad lagu maamusaayey dabaal dega todobaadka dhaqanka iyo farshaxanka ee Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho. Dabaaldegan ayaa lagu soo bandhigay guud ahaan Agabka dhaqanka iyo hidaha ee Bulshada Soomaaliyeed ay caan ku-tahay, waxaana bandhiga qayb ka ahaa qaar ka mida dalagyada kala duwan ee ay soomaaliya lagu yaqaano, buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal soomaaliyeed iyadoo Mas’uuliyiintii iyo dadweynihii ka qaybgalay ay si wada jir ah loogu cunteeyey Cuntada ay Soomaalidu caanka ku tahay sida Canbuulada, Bun iyo Caano. Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista Dastuurka ahna madaxa Machadka Dhaqanka ee Bariga Africa Prof Afrax ayaa sharaxaad ka bixiyey dhaqanka iyo hidaha Soomaaliya sida ugu fudud ee loogu soo nooleyn karo. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed C/llahi Xasan (Nuux) ayaa sheegay in maanta dhalinta Soomaaliyeed ay heeleen fursad ay ugu faa’iideysan karaan in wax ka bartaan dhaqanka iyo hidahooda, una mahadceliyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo soo qabanqaabisay bandhigan. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegey in ay wasaaradu go’aansatay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka, farshaxanka iyo ciyaaraha waana mida keentay in la qabto Dabaaldega Todobaadka dhaqanka. Ugu danbeyntii Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay in ummad kasta ay ku faani karto soo jireenkeeda taariikheed oo ay uga duwan tahay bulshooyinka kale. Dabaaldega Todobaadka dhaqanka, farshaxanka iyo ciyaaha oo biihii ugu danbeeyey ka kala socday gobollada Banaadir, Shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe.

Wadahadalada ka socda Dhuusamareeb oo meel fiican maraya

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Galgaduud ayaa 15kii June 2015 gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ujeedada socdaalka ayaa aheyd in uu wada hadal la furo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca. Wasiir Odawaa iyo mas’uuliyiinta la socota ee gaaray Dhuusa-mareeb ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay qaybaha bulshada Dhuusa-mareeb oo ay ku jiraan xubnaha mas’uuliyiinta Ahlu Sunna waxaana uu wasiirku la hadlay bulshada soo dhaweysay oo uu u sheegay in ay xudun u yihiin dhismaha maamulka gobolada Dhexe uuna ka codsaday in ay garab istaagaan oo ay doorkooda qaataan. Mudane Odawaa ayaa waxaa uu ku cel celiyay in loo baahan yahay isku tanaasul iyo in la garab istaago dowladnimada, loona sabro waxyaabo badan ayuu soo jeediyay wasiirku, sheegeyna in Dowladdu ay wada hadal la gali doonto cid kasta oo wax tabaneysa.

Dugsiyada Sare ee Koofurta & Bartamaha Soomaaliya oo markii u horreysey Imtixaan Mideysan u fadhiistay

Ku dhawaad Todobo kun oo arday Soomaaliyeed ayaa 15kii June 2015 u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ee ay Wasaaradda Waxbarashada ka qaadeyso ardayda dhigata Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ay wehliyaan Wasiirada Waxbarashada Khadar Bashiir Cali, Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Aminga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si rasmi ah u furay qaadista Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, si ardayda ay u helaan shahaadooyin mid ah oo Wasaaraddu aqoonsatahay. Sidoo kale Mnaasabadda waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda iyo Madaxsare oo ka tirsan dowladda, iyadoo ardayda ay imtixaanku ku galayeen dugsiga 15 May, waxaana ardayda u rajeeyeen in Imtixaanka uu Alle ku guuleeyo. Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa imtixaanka ka furay Iskuulkii hore ee farsamada ee Boolo-Tikniko, halkaasi oo ay ku sugnaayeen arday aad u fara badan oo imtixaanka ka qeyb galaysay. Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu isla maanta Imtixaanka ka furay Jaamacadda Ummadda, halkaasi oo ay joogeen arday aad u fara badan, iyadoo ay jiraan Iskuullo kale oo uu kormeer ku sameeyay Wasiirka Cadaaladda, waxaana uu xusay inay tahay tallaabo lagu farxo. Ku dhawaad 200 oo arday oo wax ka dhigta iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa iyana saaka u fadhiisatay Imtixaanka mideysan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbrashada, waxaana tani ay noqoneysaa mudo 24 sano kaddib in arday Soomaaliyeed ay u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare, iyadoo ay sidoo kale jiraan arday imtixaanka ku galeysay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Magaalooyinka Cadaado, Beladweyne, iyo qaar kale ku yaalla bartamaha iyo koofurta dalka ayuu saaka si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka. Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa iyana waxaa ka bilaabatay Imtixaanka shahaadiga ee ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya.

Barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka oo Xamarweyne lagu qabtay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa 15kii June 2015 ka qeyb galay munaasad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay xarunta Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir. Munaasadda ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Iimaan Nuur Iikar, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir iyo dadweyne aad u fara badan, iyadoo goobta lagu soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka. Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta Degmada ay marti geliso xaflad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka, isagoo intaa ku daray inay sii joogteyn doonaan munaasabadaha nuucaani oo kale ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso soo nooleynta dhaqanka oo uu ku tilmaamay in ay qeyb weyn ka qaadan karto isdhexgalka bulshada iyo nabadda, waxaana uu Maamulka Degmada uga mahadceliyay sida ay u soo qaban qaabiyeen xafladda.

Gurmadka Qaxootiga ka yimid Yemen oo si fiican u socda

Guddiga Gurmadka Badbaadinta iyo Samatabixinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman ayaa weli waxay wadaan dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi, waxaana 13ka June 2015 lagu wareejiyay Xarun lagu daaweeyo dadka xanuunsan ee ka soo cararaya dagaalada ka socda Yemen ee Isbitaalka Banaadir dhexdiisa ah, iyo Lacag dhan 2000$ (2 kun oo Dolar) oo ay soo dhiibeen Ganacsato iyo jaaliyada soomaaliyeed ee Shiinaha. Shiekh Cumar Sheekh Ibraahim oo wakiil ka ahaa dadkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka jaaliyad ahaan in markasto ay diyaar u yahiin in ay la shaqeeyaan Gudiga Gurmadka Qaxootiga. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiyaha Guddiga ayaa ugu mahadceliyay Ganacsatada iyo jaaliyada sida dareenka wadaninimo leh ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed. Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa lagu wareejiyay qeyb lagu daweynayo dadka qoxootiga ah ee ka soo cararaya wadanka Yeman oo qeyb ka ah isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana mas’uuliyiinta isbitaalka iyo xubnaha Guddiga Gurmadka ay ku soo wareegeen Qeybta lagu wareejiyay iyo qolalka oo ay ku sugnaayeen dhaqaatiir Da’yar ah. Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa mas’uuliyiinta isbitaalka iyo dhaqaatiirta Doonaya in ay gurmad u fidiyaan dadkaasi dhiban ugu mahadceliyay sida ay uga soo baxayaan kaalintooda.

Ardey u fariisatay Imtixaan si ay ugu biiraan Booliska Soomaaliyeed

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waday dadaalo lagu tayeynayo ciidanka Booliiska, isla markaasna ugu baaqayey dadka wax bartay inay ku soo biiraan ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliska Booliska oo naadiyey ayaa ardeydii dalbatay inay ku biiraan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxey u fariisteen imtixaan lagu kala xulayey. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 13kii June 2015 booqday halka imtixaanka ay ku galayeen ardayda, taasi oo uu ugu kuur galayay sida imtixaanka uu u socda. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa la hadlay ardayda imtixaanka u fadhiyay, isagoo u sharaxay muhiimada ay leedahay in ay ku soo biiraan arday wax baratay oo uu ku sifeeyay in muhiim ay tahay in la helo ardaydii beri badali laheyd Saraakiisha Boliiska ee Shaqeynaya, waxaana uu u sheegay in ay gali doonaan tababaro dalka dibadiisa iyo gudihiisa ah, waxaana uu u rajeeyay in uu ku guuleeyo hamigooda.

Markab sida Qaxooti Soomaaliyeed oo soo gaaray Boosaaso

Markabkan oo sida 2,105 ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ka soo qaaday Dekedda Mukalla ee Yemen soona gaaray dekedda Boosaaso 13kii June 2015. Ganacsade Cabdi Cali ayaa markabkan ugu deeqay in lagu soo daad-gureyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Yemen. Qoxootigan ayaa u badnaa caruur iyo haween, Waxaana ku jiray Dad Xanuunsan oo markii lasoo dajiyay loo qaaday isbitaallada si loogu daweeyo, Dhanka kale Dekedda waxaa ku sugnaa xilligaas Hay’ado iyo Shirkado Maxalli ah oo dadkan Qoxootiga ah u Qaybinayay Raashin iyo biyo. Dadkan Qaarkood oo Warbaahinta la Hadlay ayaa Sheegay in ay Dhibaatooyin aad u daran ka jiraan Yemen, kuwaasoo ay ka mid yihiin cunno la’aan, biyo la’aan, dagaallo iyo weliba kuleyl aad u daran. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo soo dhoweeyey dadkaasi ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhado oo sheegay soo dhawaynta qadarinta iyo Daryeelka Muwadininta Soomaaliyed inay tahay mid aan maanta u joojinay hawlihii ka socday Dekadda, haday ahaan lahayd waxa kaso dagaya ama waxa ka dhofaya, waxaanu u diyaarinay goobo muhim ah, waxaanu daryeeleynaa Nolosha qoysaska ka soo qaxaya Yemen ee soo garaya Boosaaso. Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa isna ka hadlaya sida ay ugu diyaar garoobeen ka maamul ahaan dadkani maanta la keenay Boosaaso

Jaamicadda Ummadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Jaamicadaha Koofur Afrika

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo labada Jaamacadood ee Dalka K/Afrika ee kala ah Vaal iyo Vits ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Safaaradda Soomaaliya, Madax kasocotay labada Jaamacadood iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Heshiiska la kala saxiixday 18kii June 2015 ayaa waxuu ka koobnaa qodobo muhiim ah waxaana ka mid ahaa qodobadaasi, Isdhaafisiga Ardayda iyo Maclimiinta labada Dal, sameynta Cilmi barista, Siminaarro iyo tababarro joogta in ay labadan Jaamacadooda ka caawiyaan Jaamacadda Umadda iyo tababarro la xiriira tiknoolijiyada. Heshiiskan waxaa u saxiixay Jaamicadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Gudoomiyaha Jaamicadda, Cabdi Xalane Xirsi, iyo Prof Mohamed Mullah Vimpo. Saxiixayaasha heshiiskan ee labada Dal ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah iyadoo Arday farabadan ka faa’iideysan doonaan. Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo heshiiskaasi goob joog ka ahaa ayaa isagane ka hadlay waxbarashada iyo qiimaha ay leedahay xilli uu Khudbad ka jeedinayay kulan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka K/Afrika ku qabteen Magaalada Johannseburg.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Xafiiska Wasiirka Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho -Somalia

Weekly6

Weekly

Weekly4

Weekly5

Weekly7

Weekly10

Weekly13

Weekly9

Xabsiga

Weekly1

Weekly8

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor