Waxaa Gaoordhow qeyb kamid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan dhanka lagu iibiyo Maacuunta isku dilay Nin Odey ahaa.
Goobjoogayaal la hadlay Warqabadka Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay  u sheegeen in Ninka Ogeyga uu dilkiisa u adeegsaday Tooreey, waxaana goobta uu yaalay Meydkiisa isugu soo baxay dadweyne badan.
Sawirro laga soo qaaday Ninka is-dilay laguna faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay inuu dhuunta isaga dhuftay Tooreey, uuna ka baxay dhiig badan, isagoona isla goobta ku geeriyooday.
Weli lama oga sababta keentay in Ninka Odeyga uu is-dilo, hayeeshee wararka qaarkood ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xoogaa madaxa looga jiray oo uusan taam aheyn.