Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa haatan waxaa ka socota Munaabadda furitaanka Kal-fadhiga 2aad Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah u daah-furi doona Munaasabada Kalfadhiga 2-aad ee Barlamaanka Maamulkaas, waxaana Kismaayo ka socda diyaar garoowa Munaasabadaas.
Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa labadii Bil ee lasoo dhaafay ku maqnaa Fasax, waxaana inta badan Xildhibaanada xalay lagu wargeliyay inay kasoo qeyb galaanka kulanka Furitaanka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Barlamaanka Jubbaland Maanta ka jeediin doona Khudbad uu uga hadlayo Arrimo kala duwan oo ku aadan Maamulkiisa iyo arrimo kale.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana Ciidamo gaar ah la geeyay Xarunta ay ka socota Munaasabadda, kuwaasi oo siweyn u sugaya amniga.