Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Patrick Carlineo Junior, kuna nool Galbedka magaalladda New York ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda, oo ku goodiyey inuu dili doono Xildhibaanad IIlhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska dalkaasi.
Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen in Eedeysanahaasi la xiray, kadib, markii uu bishii hore Telefoon cabsi-gelin u diray Xafiiska Ilhaan Cumar ku leedahay magaalladda Washington.
Qoraal ay Hayโadda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI-daย waxay ku sheegeen inuu Eedeysanaha iyada ugu yeeray โArgagixisoโ iyo inuu ku cabsi geliyey inuu toogan doono.
FBI-da waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanaha xanaaq ka muuqday muddadii uu ku jiray Wicitaanka Telefoonka, iyo isagoo si sax ah u hingaadiyey magaciisa iyo isagoo bixiyey warbixinta Cinwaankiisa lagala soo xiriiri karo.
Eedeysanaha waxa uu u sheegay FBI-da inuu yahay Waddani jecel Madaxweynaha iyo inuu neceb yahay waxa uu ugu yeeray Xag-jirayaal Muslim ah oo ka tirsan Dowladda Maraykanka.