Maxkamadda Mandera ayaa u oggolaatay inay Boliska Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU) muddo 14 maalmood sii hayn karaan Nin Kenyan ah oo lagu magacaabo Simon Karuga Gitau, kaasi oo laga soo qabtay gudaha Somalia, xilli uu doonayey inuu ku biiro Xarakadda Alshabaab.
Kormeraha Boliska Mandera, Simon Kariuki ayaa ka codsaday Maxkamadda inay u baahan yihiin waqti dheer si ay u baaraan Eedeysanaha oo deegaan ahaan ka soo jeeda Deegaankja Mwea, ee Gobalka Kirinyaga.
Kormeeraha waxa uu sheegay in Eedeysane Simon Karuga Gitau waxa bishan September 11-dii laga soo qabtay isagoo 8 KM gudaha ugu jira Xuduudka Somalia.
“Waxaan aad u rumeysnahay in sababaha ugu waa weyn ee uu Eedeysanaha u yimid Mandera tahay sidii uu ugu biiri lahaa Xarakadda Alshabaab, tababarna u siin lahaayeen” ayuu yiri Kormeeraha Boliska Mandera.
Eedeysane Simon Karuga Gitau ayaa la sheegay inay soo qabteen ciiddan ka tirsan Milliteriga Dowladda Federalka Somalia ee ku sugan Degmadda Buulo-xaawo ee Gobalka Gedo, kuwaasi oo Eedeysanaha u soo gudbiyey Ciiddanka Kenya ee jooga Barta Kontoroolka ee Mandera.
Sarkaal ka tirsan Taliska Boliska Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU), oo lagu magacaabo Francis Lelemusi ayaa sheegay inay Milliteriga Somalia ku soo wareejiyeen bishan September 13-dii.
Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inay dhigooda Somalia la leeyihiin wada shaqeyn fiican oo lagu sugayo Ammaanka Xuduudka labada dal.
©Radio Dalsan