Hadal qoraal oo ka soo baxay Aqalka Dowladda ee Keenya ayaa lagu sheegay inuu Bangiga Ganacsiga Kenya (The Kenya Commercial Bank ee KCB) helay xaqiijin ku aadan inay Xafiis ka furan karaan Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka helay dhigiisa Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ballanqaadkaasi, kadib, markii ay bishan September 12-dii ku kulmeen magaaladda Muqdisho.
Qoraalka ka soo baxay Aqalka Dowladda Kenya waxaa kaloo lagu sheegay in Dhismaha Bangiga Ganacsiga Kenya (KCB) laga furi doono magaalldda Muqdsiho, ka hor inta uusan dhamaanin sannadkan 2016-ka.
Bangiga Ganacsiga Kenya (KCB) waxay Xarumo ay ka hawl galaan dalalka Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.
Dhinaca kale, Bangiga Ganacsiga Afrika (The Commercial Bank of Africa ee (CBA) ayaa iyagana Dowladda Federalka Somalia ka codsaday Laysin ay kaga hawlgeli karaan gudaha Somalia, balse, weli ma aysan helin Fasaxa uu Bangiga Ganacsiga Afrika (The Commercial Bank of Africa ee (CBA) ku bilaabi karo inuu ka hawlgalo gudaha Somalia.
Codsiyadda iyo Hamiga ay Bangiyadda Shisheeyaha ku doonayaan inay ka hawl galaan Somalia ayaa ku soo beegmayso, iyadoo aysan Somalia ka jirin Bangiyo Rasmi iyo kuwo Caalami, waxaana bedelkooda Nidaam Bangi u shaqeeya qaar ka mid ah Shirkadaha Maxaliga ee Xawaaladaha iyo Isgaarsiinta.
©Radio Dalsan