Garsoore Elizabeth Nahamya oo Madax ka aha Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee dagaalka ee Maxkmadda Sare ee Uganda ayaa diiday in ay dhegeysato Codsi ay u soo gudbiyeen 8 Dhallinyaro Somali oo lagu soo oogay waxa loogu yeeray Dembi Argagixiso.
Dhallinyarada ayaa dalbaday in lagu sii daayo Damiin ilaa laga gaarayo marka ay Maxkamadda dib u dhegeysanayso Kiiskooda.
Garsoore Elizabeth Nahamya ayaa ku amartay Maxkamadda La-dagaalanka Musuqa (The Anti-Corruption Court ) inay diiwaan geliyaan Taariikhda la dhegeysanayo Codsiga Rafcaanka isbuuca dambe, ka hor intaysan bilaabanin dib u dhegeysiga dacwadooda bishan September 26-da.
Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxaa 8-da Eedeysane oo dhamaantooda ah Muwaadiniin Soomaali ah wajahayaan Labo Dacwad oo kala ah inay taageereen Argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin Urur Argagixiso.
Eedeysanayaashaasi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:
- Mohamed Abdulkadir Hirsi oo lagu naanayso Mohamed Abdul Aziz Adan,
- Abdi Abdullahi Bootan,
- Hassan Abduwali Mohamoud,
- Mohamed Ahmed Gele,
- Yusuf Osman Hussein,
- Abdi Ali,
- Abdul Kadir Mohamed Mohamud Sandir
- Mohamad Yusuf Farah.
Dacawad-oogayaasha waxay sheegeen in Kooxdan iyo kuwo kale oo la baadi-goobayo gudaha Somalia, Kenya iyo Uganda ay taageer siiyeen Xarakadda Alshabaab.
©Radio Dalsan