Nin baqdin geliyey Saraakiisha Ammaanka ee Aqalka Cad ee Maraytkanka.

 

Saraakiil ka tirsan Aqala Cad ayaa sheegay in Ninkaasi oo kaxaynayey Gaari saqdii dhexe ee xalay lagu qabtay Bar Kontorool oo ku taalla xayndaabka Aqalka Cad.

Saraakiil ka tirsan Xoojinta Sharciga oo la hadlay Telefishinka CNN ayaa sheegay in wax qarax laga waayey gaariga laga shakiyey, lana xiray Dareewalkii.

Baarayaasha ayaa su’aalo weydiinaya Dareewalka, si loo ogaado inuu keligiisa geystay falkaasi iyo in lagu wehliyey.

Dhowr jid oo ku hareeraysan Aqalka Cad ayaa la xiray, iyadoo Madaxweyne Donald Trump xilligaasi ka maqnaa Aqalka Cad.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media