Kooxaha La-socda Colaada dalkaasi ayaa sheegay in ay Kooxaha wax iska caabinta saakayto weerar ku qaadeen Degmadda Jobar ee cirifka Bari ee magaalladda Dimishiq.
Degmadda la weeraray ayaa u dhexeysa Dimishiq iyo Deegaanka Bariga Guuta o oay Maleeshiyadda ku xooggan yihiin.
Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda waxay saakayto duqeeyeen Deegaanka jobar, halka ay Maleeshiyadana Hoobiyayaal ku gareeceen Deegaanadda Babn Tuuma, Ruknal-diin iyo Cabaasiyiin oo ku dhow Dimishiq.
Telefishinka Dowladda ayaa sheegay inay Ciiddanka iska caabiyeen weerar ay Maleeshiyadda ku soo qaadeen Deegaanka Jobar.
Goobjoogayaal ku sugan Dimishiq ayaa sheegay ย inay saakayto maqlayeen Dayanka Madaafiicda io rasaasta ย ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.
ยฉRadio Dalsan
ย