Nin Ajnabi ah kana shaqeeyay dalal ay ku jirto Somalia oo la la’yahay

Weerar dabley hubeysan ay ku qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Palma Gobolka Gabo Delgado ee dalka Mozambique ayaa waxaa lagu waayay Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo ka shaqeeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Muwaadinka Ingiriiska ah oo lagu magacaabo Philib Mawer ayaa kamid ahaa shaqaalaha ku sugnaa hotelka la weeraray, isagoona horey u raacay kolanyo gaadiid oo isku daydey in ay ka baxsadaan goobta weerarka, sida ay daabacday Warbaahinta Sky News.

Afhayeenka Shirkadda RA International oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ayaa u sheegay in Philib Mawer uu kamid ahaa dadkii raacay kolanyada gaadiid, isla markaana la helay 7 shaqaale oo kamid oo dadkaas, hayeeshee la la’yahay Mawer.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay inay baadi goob ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen Philib Mawer oo kamid ahaa shaqaalahooda, ayna ka dhex baadi goobayaan gudaha dalka Mozambique, isagoona rajeeyay inay heli doonaan.

“Waxaan ka shaqeynayaan oo aan hadaba ku howlan nahay raadka Mudane Philib Mawer. Waxaan ku rajo weynahay in aan helno isaga oo badqaba,” ayuu yiri Afhayeenka, waxaana Mawer uu kasoo shaqeeyay Bariga Dhexe oo uu kamid yahay dalka Yemen.

Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Hotelka uu shaqeeynayay Philib Mawer ee ku yaalla Magaalada Palma Mozambique, iyagoona sheegay inay halkaas ku dileen in ka badan 50 qof oo ay kamid yihiin Askar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor