Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saakay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolkaan Baanadir waxaa ay ku dileen Nabadoon siweyn looga yaqaanay deegaanada Gobolka Hiiraan.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaas uu sigaar uga dhacay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir, waxaana Nabadoonka rasaas lagu furay ay uga dhacday qeybaha sare ee jirka, xili uu ku sugnaa xarun Ganacsi ee uu ku lahaa halkaas.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Sheekh Cali Maxamed Cismaan, waxaana goobta uu falka ka dhacay si Deg-deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa daqiiqado kadib tegay goobta dilka uu ka dhacay, iyagoo halkaas kasoo qaaday Meydka Sheekh Cali Maxamed.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood dilal qorsheysan ka fuliya rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas dusha u rita Al-shabaab.