Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar ay rag hubeysan ka geysteen koofurta Burundi.
Weerarka oo ka dhacay degmada Bugarama ee gobolka Rumonge ayaa bilowday Axaddii wuxuuna socday ilaa shalay, dadka deegaanka ayaa isaga cararay xaafadahooda isla markaana galay duurka.
Koox mucaarad ah oo fadhigoodu yahay Jmahuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo Burundi deris la ah ayaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigeen waxay ku sheegeen inay iyagu geysteen weerarka.
Sarkaal sare oo dowladda ka tirsan ayaa sheegay in arrintaasi lala xiriirinayo dib u dejinta qaxootigii u qaxay Rwanda kaddib markii ay ka qaxeen rabshadihii ka dhacay Burundi sanadkii 2017.