Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cumar Axmed Saney.
Mooshinkaan oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan 50 Xildhibaan ayaa loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, iyadoona Eedeymo loo jeediyay Wasiiru dowlaha.
Cumar Saney ayaa waxaa Xildhibaanadaas ay ku eedeeyeen inuu u diiday gelitaanka Xarunta Madaxtooyadda, isla markaana qaarkood lagu xad gudbay xasaanadooda xiliyo kala duwan iyo inuu Wasiiru dowlaha faragelin ku sameeyay.
Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa inuu furmo 27-ka bishaan Agoosto oo ku beegan Khamiista soo socota, waxaana la sheegayaa in kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobada looga hadli doono uu kamid yahay Mooshinka.