Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay Nabadoon Caan ahaa deegaanka iyo xaaskii uu qabay.
Dilkaas ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay deegaanka Qooqaani, waxaana la sheegay inay geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysanaa Bastoolado, iyagoo rasaas qeybaha sare ee jirka ugu dhintay Nabadoonka iyo xaaskiisa.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Cumar Maxamed, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaano deegaanada maamulka Jubbaland.
Dad ku sugan Qooqaani ayaa soo sheegaya in ragii dilka geystay ay baxsadeen deegaanka, waxaana goobta uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland, iyagoo sameeyay howlgalo aan wax natiijo ah kasoo bixin.
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbaland ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxo hubeysan, iyadoona laamaha amniga mararka qaarkood ay falalkaas dad u soo qabtaan.