Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay ku geeriyootay Drs. Xaawo Cabdi oo kamid aheyd dhaqaatiirta waaweyn ee Dalka Soomaaliya.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Drs. Xaawo Cabdi uu xanuun Deg deg ah kusoo booday, isla markaana loola cararay Xarun Caafimaad, hayeeshee xanuunkii qabtay ay ugu dambeyn u geeriyootay.
Geerida Marxuumad Drs. Xaawo ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Caruurtii ay dhashay iyo Eheladeeda, waxaana geeridaas ka tacsiyeeyay dhaqaatiirka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Drs. Xaawo Cabdi ayaa muddo ka badan nus qarni ka soo shaqeynaysay Arimaha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoona lagu xasuustay Halgankii ay u soo gashay Bulshada Soomaaliyeed mudadii Dalka uu ku jiray Burburka.