Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo lagu dilay weerar dhabba-gal ahaa oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka nambar 60 ee Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka, kuwaasi oo xiliga uu weerarka dhacayay saarnaa Mooto laba lugaaley ah.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xubno hubeysan ay wada u galeen Mootada ay saarnaayeen Askarta, isla markaana lagu furay rasaas xoogan, iyagoona ku geeriyooday goobta.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barhooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ay ku dileen weerarkaas, xili ay ku socdaalayeen deegaanka nambar 60.
Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay inay horey u sii qaateen Mootadii laba lugaaleyda aheyd ay wateen Askarta la dilay, waxaana goobta uu weerarka ka dhacay laga soo qaaday Meydadka Askarta.
Dagaalamayaash Al-shabaab ayaa dhowr ah deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Askar farabadan oo kamid aheyd Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo ka tirsan AMISOM.