Qoysaska Shaqaalaha la socday Markabka la qafaashay oo Baaq u diray Burcad-baddeeda.

Qoysaska 8-da shaqaale ee la socota Markabka Booyadlaha ee afduubka loogu haysto Xeebaha Caluula ayaa Baaqaasi ku sheegay mar ay la kumeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee  dalka Sri Lanka.

“Waxaan u cabsanaynaa Nolosha kuwa aan jecel nahay ee la afduubtay, cabsi ayaan ka dareemaynaa Qalbigeenna” ayey tiri Namali Makalandawa oo la dhalatay  Premnath Ruwan Sampath oo ah Sarkaalka Guud ee Markabka la qafaashay.

Waxay intaasi ku dartay inay Qoysaska xiriir la sameeyeen Xafiiska Shirkadda leh Markabkaasi oo ku yaalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, balse aan Wicitaankooda laga jawaabin.

Namali Makalandawa waxay ka codsatay Afduubayaasha inay sii daayaan Shaqaalahaasi oo ay sheegtay inay isugu jiraan Aabayaal, Xaaslayaal iyo Wiilashooda, waxayna xustay inay Shaqada Badda u galeen si ay u helaan Lacag ay ku biilaan Qoysaskooda.

Waxay xustay inay diyaar u yihiin inay Burcad-baddeeda si nabad ah ula hadlaan, si loo sii daayo Shqaaalaha la socday Markabkaasi.

“Waa Aadane, xitaa Burcad-baddeeda waa Aadane. Waxaan awoodnaa inaan si nabad leh kula hadalno” ayey sii raacisay.

Markabka Shidaalka ee ARIS 13 waxaa la qafaashay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, xilli uu ka soo shiraacday Xeebaha Jabuuti, kuna soo jeeday Dekedda Muqdisho.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka Ciiddanka Badda ee EU-da ka wadaan Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay la xiriireen Madaxa Shirkadda Markabkaasi, kaasi oo u xaqiijiyey inay Burcad-baddeedu codsatay Lacago madax-furasho oo aan cadadeeda la shaacinin.

Waa Afduubkii ugu horreeyey ee lagu qafaasho Markab Weyn oo Ganacsi Xeebaha Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media