• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

MW Xasan “Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaali ah”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 28, 2023
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Somalia oo Maanta lagu dhawaaqayo inay ku biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay  ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo AS, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab; Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miro-dhalka wajiga koowaad ee howlgalka socda ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay diyaarinayso ciidamo si gaar ah uga shaqeeya amniga iyo difaaca deegaannada la xoreynayo.

Amniga iyo Bixitaanka ATMIS;

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaaliyeed, haybad iyo nasiib gaar ah ayeeyna ii tahay in aan noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ay ammaankiisa si buuxda u ilaaliyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii dalka”.

Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha; Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, waxa ayna dowladdu higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.

“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda.”

Dhameystirka Dastuurka;

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dastuurka ayaa waxa uu yiri “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay Baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya. Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Previous Post

Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 27/12/2023

Next Post

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayay oo u safray Jabuuti

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post
Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayay oo u safray Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayay oo u safray Jabuuti

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00