Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waxa uu amray in ciidammada dalkiisa ay galaan bariga Ukraine. Tallaabadaas ayaa waxa uu qaaday kaddib markii uu aqoonsaday madaxbannaanida laba gobol oo ay maamulaan fallaagada Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in milaterigiisa uu halkaas galaayo “si ay nabadda u ilaaliyaan”. Ameerika ayaa arrintaasi ku tilmaantay wax aan sax ahayn.
Haatan waxaa soo baxaayo sawirro laga soo qaaday milateriga Ruushka uu u ruqaansaday labada gobol ee Ukraine. Ruushka ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa uu xadka uu la leeyahay waddanka Ukraine gaynayay tobannaan kun oo askari oo milateri ah. Haddaba qaar ka mid ah ciidammadaas ayaa waxa ay u tallaabeen dhinaca xadka Ukraine.
Milateriga Ruushka ayaa leh taangiyo iyo qalab kale oo ay howlgalkaas u adeegsanayaan, iyagoo dhanka kale gacan ka helaya ciidammada cirka iyo kuwa badda ee dalkaasi.