Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Qaraxyo Is-miidaamin ah oo ka dhacay Jalalaqsi

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo galabta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay Askar ciidan iyo dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana gaarigii ugu horreeyay uu ku qarxay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Buundada Jalalaqsi, halka mid kalena uu ku qarxay banaanka degmada.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadii ka dhacay Jalalaqsi, halka in ka badan 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii loola cararay xaruma Caafimaad, sidoo kale waxaa jira burbur xoog leh oo gaaray dhimasyaal oo qaraxyada kusoo dumeen.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan qaraxyadii khasaaraha geystay ee ka dhacay Jalalaqsi, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada  qaraxaas oo ahaa kuwo xooggan oo jugtooda laga maqlay magaaladaas.

19 October, ee sanadkii tagey ee 2022 ayey eheed markii weerar qarax ku bilaawday Al-shabaab ku qaaday degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Qaraxaasi waxaa ku geeriyooday dad uu ka mid ahaay guddoomiyihii hore ee degmadaasi Maxamed Nuur Cagajoof Dabaashe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor