Muxuu danjire Tarsan uga baxay shirkii uu Uhuru ugu yeeray?

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

Kenyatta ayaa maanta la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.

Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.

Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, mana cadda mansabka uu wakiilkooda ku joogay shirkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor