Sida lagu shaaciyey Websaytka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka waxay Wasaaraddu dib u eegis ku samaysay Digniinta dhanka Socdaalka ee ay dadka Imaaraadka ku tagaan qaar ka mid ah dalalka Caalamka.
Wasaaraddu wxaay sheegtay in Muwaadiniintooda looga digay inay u socdaalaan ama u dalxiis tagaan 11 Waddan oo kala ah: Somalia, Pakistan, Kongada Dimuqraadiga, Madagaskar, Yemen, Iraq, Libya, Syria, Afganistan, South Sudan iyo dalka Nigeria, gaar ahaan Waqooyigiisa.
Dhinaca kale, Muwaadiniinta dalka Imaaraadka waxay sababo Siyaasadeed awgeeda looga mamnuucay inay booqdaan dalalka Qatar, Lubnaan iyo Gobalka Karabaakh oo u dhexeeya Bariga dalka Armenia iyo K/galbeed ee dalka Azarbajaan.
Liiska dalalka aysan Muwaadiniinta Imaaraatka booqan karin waxaa laga saaray dalalka Brazil iyo Yukrayn oo horey sababo dhinaca walaaca Ammaanka loo mamnuucay in ay tagaan.