Waxaa soo if baxayo eedeymo ay Qaxootiga ku jira Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla dalalka Kenya, Uganda, Ethiopia, Yemen iyo Libya ku sheegaan inay Saraakiisha Hay’adad QM ugu qaabilsan Arrimaaha Qaxootiga ee UNHCR weydiistaan Lacago, si loogu fududeeyo in si degdeg ah u helaan Dib-u-dejinta dalalka Maraykanka, Kanada iyo dalal kale o oReer Galbeed ah.
Shabakadda Wararka ee Telefishinka NBC NEWS ee dalka Maraykanka ayaa qortay inay muddo 7 bilood baaritaano ku hayeen wararka ay Qaxootiga ku sheegeen inay Shaqaalaha UNHCR weydiistaan Laaluush, si loogu fududeeyo inay Deganaansho ka helaan dalal kale.
Wareysiyo lala yeeshay in la ka badan 50 Qaxooti o oka diiwaan gashan Xafiisyadda Hay’adda UNHC ku leedahay dalalka Kenya, Uganda, Yemen, Ethiopia iyo Libya ayaa sheegeen inay jirto musuqmaasaq ay ku lug leeyihiin Shaqaalaha Hay’addaha Samafalka, si ay Qaxootiga ugu sheegeen in loo fududeynayo Safarkooda dalalka Dibedda.
Qaxootiga ku jira Xeryaha dalka sudan waxay sannadkii hore ka dhawaajiyeen Eedeymahan o kale.
Qaxootiga qeybta ka ah Deganaansha Degmadda Nakivale ee K/Galbeed ee dalka Uganda waxay sheegeen in shaqaalaha UNHCR iyo kuwa Ururadda Gargaarka ee Hawlaha Qaxootiga ka shaqeeya inay ka codsadaan Lacago Laaluush si ay u helaan daaweyn, cunto, iyadoo qoys kasta ay ugu kici karto lacag dhan 5,000 oo Dollar si loogu fudueeyo Dib-u-dejinta dalalka Reer Galbeedka.
Xeradda Qaxootiga Dhadhaab, oo dadka deggan ay u badan yihiin Somalia, ayaa waxay 19 Qaxooti sheegeen inay laaluush 50,000 oo Dollar ku kacayso inay qoys ballaaran dib-u-dejin uga helaan dalalka kale, iyadoo halkii qof laaluush ahaan u bixiyo 3,000 oo Dollar, ka hor inta uusan Maamulka Madaxweyne Trump joojinin Qaxootiga Soomaalida ee Dib-u-dejinta ka heli jirey Maraykanka.
Qaxootiga aan bixin karin Lacagta Laaluushka ayey Warbixinta sheegtay inay Shaqaalaha u qaabilsan Dib-u-dejinta sii iibsadaan Faylalshooda, si ay qoysas kale ugu dhoofaan.
Inta badan Qaxootiga lala yeeshay Wareysiyadda Baaritaanka ee lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Telefishinka NBC NEWS ayaa la sheegay inuusan midba midka kale aqoonin.
Dhinaca kale, Warbixinta waxaa lagu soo qaatay Haweeney Soomaali oo lagu magacaabo Xamdi C/llaahi, taasi oo ka mid ahaa Soomaalida ku nool Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa iyadana ku eedeysay Hay’adda UNHCR inay ka xadeen carruurteeda, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Haweeneydaasi waxaa la sheegay in ay sannado badan dibadbaxyo dhagax-tuur leh ku qaado Dhismaha Hay’adda UNHCR ee Xeraddaasi, iyadoo sheegtay in afarteeda carruur laga watay, isla markaana ay haatan ku nool yihiin Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka, iyagoo la jooga Aabahooda oo ay iyada kala tageen.
Xamdi C/llaahi waxay kaloo tilmaamtay inaysan carruurteeda arkin tan iyo sannadkii 2014-kii, isla markaana iyada laga reebay markii carruurteeda iyo aabahodoa laga qaadayey Xeradda.
Sababaha iyada looga reebay safarkaasi ayey ku sheegtay in Warbixin been abuur ah loo gudbiyey Dowladda Maraykanka, iyadoo ku eedeysay inuu ninkeeda hore laaluush siiyey Sarkaalka UNHCR ugu qaabilsan Dib-u-dejinta oo ay magaciiia ku sheegtay David Momanyi.
Xamda C/llaahi waxay kaloo tilmaamtay inuu Saygeeda hore laaluush ahaan uu Sarkaalkaai iyo shaqaale kale oo ka tirsan UNHCR laaluush ahaan u siiyey 20,000 oo dollar, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Labo ka tirsan Shaqaalaha UNHCR ee Xeradda Dhadhaab waxay beeniyeen in uu Sarkaal lagu magacaabo David Momanyi ka tirsanaa shaqaalahooda ku sugan Xerada Dhadhaab
Shabakadda Wararka ee Telefishinka NBC NEWS ee dalka Maraykanka waxay Warbixintooda ku muujiyeen inay Telefoonka kula xiriireen saygii hore ee Xamdi C/llaahi oo u xaqiijiyey inuu Deganaansho ka helay Gobalka Minnesotta, balse, waxa uu sheegay in eedeyn kasta oo Laaluush tahay Warbixin been abuur ah.
Saygeeda oo magacisia la qariyey waxa uu yiri: “Dowladda Maraykanka ayaa I siisay Dib-u-dejinta aan ku imid Mraaykanka, maa jirto wax laaluush ah. Iyada waxaa diiday Dowladda Maraykanka, Arrinkaasi waa dhamaaday, waa og tahay , gudaha Maraykanka , ma jiraan wax Laaluush ah”.
Shabakadda Wararka ee Telefishinka NBC NEWS ee dalka Maraykanka waxay kaloo la hadleen Sarkaalka UNHCR ee Xeradda Dhadhaab ugu qaabilsan Dib-u-dejinta, Pietro Fossati, wuxuuna sheegay in Kiiska Xamdi C/llaahi ay Dowladda Maraykanka ku soo gebabegebaysay Jawaab ah Diidmo ama “Rejected”.