2 qof oo u dhalatay dalka Somalia iyo Guddoomiyaha Golaha Sare ee Islaamka dalkaasi, Suzyo Zimba ayaa ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee dalkaasi oo ku taalla magaalladda Lusaaka.
Saddexda Eedeysane waxay sheegeen inaysan gelin 13 kiis oo lagu eedeynayey inay Saraakiisha Socdaalka siiyeen Wrabixin been Abuur ah iyo inay Muhaajiriin si sharci-darro ah u soo geliyeen dalkaasi.
Eedeysanayaasha Soomaalida oo lagu kala magacaabo Cige Xuseen iyo Cumar Maxamuud waxay beeniyeen eedeymaha lagu soo oogay ee ahaa inay Fiiso u soo saareen Muwaadiniin Soomaali oo magacyadooda lagu kala sheegay Shaafici Xuseen, Cabdi Xasan, Mahad Ibraahim, C/fataax Yuusuf, Cali Faraax, Faysal Hassan, Abdishakur Maxamed, Xasan Maxamed iyo Ifraax Xasan, si ay uga qeyb galaan Koorso Is-dhexgalka Dhaqanka oo lagu qaban lahaa Kulliyad ku taalla dalkaasi.
Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee dalka Zambia waxay dib u dhigtay dhegeysiga Dacwadaasi ilaa bishan July 10-da.