Diyaarada Daallo oo sida 132 Mawaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Mawaadinidiinta diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xeray ee Covid19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan.
“Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa oo ka duulaya dhibka haystay mawaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta dadkani oo u badan kuwa nugul” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka dowladda ee SONNA.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe kale oo dalka dib loogu soo celinayo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran dalal kale, kuwaasi oo uu sameeyay xayiraadii ka dhalatay dulimaadyada.