DAAWO:-Imaamka Mudulood oo DFS ka dalbaday in la dadajiyo baartinaaka xasuuqii Gololeey

Iimaam Maxamed Yuusuf oo ah Imaamka beelaha Mudulood ayaa ka hadlay dhacdadii naxdinta laheyd ee lagu dilay dhalinyaro ka shaqeyneysay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Gololeey oo ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Imaamka oo la hadlay telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu marka hore tacsi u diray Ehelada, qaraabadda iyo Umadda Soomaaliyeed ay ka baxeen ragii dhalinyarada ahaa ee lagu dilay deegaanka Gololeey, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale Iimaam Maxamed Yuusuf ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay baaritaan dhab ah ay ku sameeyso cida ka dambeysay dhacadadaas lagu laayay 8-da ruux eea an waxba galabsan, isla markaana baaritaanka la dadajiyo.

“Waxaa badatay baaris aan meeley ku dhamaatay la aqoon Sidaad darteed waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in la dadajiyo natiijada baartinaaka ragi dhalinyarada ahaa ee lagu laayey Gololeey “ ayuu yiri Imaamka Mudulood.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Imaamka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media