Muwaadiniin Somali oo siyaabo kala duwan loogu xiray Uganda

Boliska Uganda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin iyo Haweeney Somali ah, kadib, markii lagu helay inay sawirro ka qaateen Saldhigga Boliska oo muhiim ah oo ku yaalla Deegaanka Nalufenya oo ka tirsan Degmadda Jinja.

Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay in raggaasi la qabtay, kadib, markii Boliska horey loo soo gaarsiiyey in la qorsheynayo weeraro lagu soo qaado Saldhigaasi oo ay ku xiran yihiin Eedeysanayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Hoggaamiyaha Isbahaysiga hubeysan ee Dimuqraadiyadda (ADF), Jamiil Mukulu iyo Gacan-yarayaashiisa, Abdalla Omar iyo Mohamed Matovu.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in marka ay sawirradda qaateen Ninka iyo Haweenyda Soomaalida ay raaceen Bas isaga kala goosha Uganda iyo Kenya, ka hor intaysan Boliska ku qabanin Degmadda Lugazi Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska baarayaan Kaamerooyin iyo Kombiyuur Lapto oo ay wateen raggaasi oo haatan ku xiran Saldhig Bolis oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Dhinaca kale, lix haween oo Somali ah ayaa lagu qabtay Degmadda Busia ee Bariga Uganda, waxaana lagu eedeynayaa inay si sharci-darro ah ku soo galeen dalkaasi.

Afhayeenka Boliska Gobalka Bukedi , Michael Odongo ayaa sheegay inay Haweenkaasi ku xiran yihiin Saldhiga Dhexe ee Degmadda Busia, loona gudbin doono Maxkamadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor