Muwaadin Soomaaliyeed lagu magacaabo Cumar Calasoow ayaa maaliin kahor waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla Magaaladda Rojester ee Gobalka New York ee dalka Mareykanka, kadib markii uu qori ku taagay Haweeney.
Ciidamo ka tirsan Booliska Rojester ayaa Cumar qabtay xili uu gaarigiisa laga dhex helay qori, waxaana Haweeneyda oo 59-jir ah uu qoriga ku taagay ay aheyd mid horey ay deris ahaayeen, iyadoo ku dacweesay Ciidamada Booliska.
Sidoo kale Haweeneyda ayaa waxaa ay tilmaamtay in Cumar Calasoow uu doonayay inuu toogto uuna ugu tegay goob ay ku sugneyd, isla markaana uu qoriga ka katibay oo ay xabbadu ka dhici weyday, sidaasina ay uga carartay.
Cumar Calasoow oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo 59-jir ah ayaa waxaa la xusay inuu lagu soo oogi doono Fal-dembiyeedka Isku-day dil ah, ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay inuu qori ku taago Haweeneydaas oo ay deris ahaayeen jireen.