Ninkaasi oo 30-jir ah ayaa la sheegay inuu dhaawacay Nin Turkish, kadib, markii uu muran isku bedelay Gacan-ka-hadal ku dhex maray Baar ku yaalla Degaanka Zebbug.
Ninka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus, kadib, markii lagu garaacay Dhalo nooca wax lagu cabo.
Ninka kale ee u dhashay dalka Turkiga oo 35 jir ah ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo fudud, waxaana labadooda la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalladda Gozo.
Dhinaca kale, Boliska ayaa bilaabay Baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay dagaalkaasi.
©Radio Dalsan