Milliteriga Maraykanka ayaa shalay sheegay inay dileen Labo Muwaadin haysata dhalashadda dalka Sweden, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Dagaalamayaasha Shisheeyaha ee ka tirsan Kooxda Daacish.
Afhayeenka Hawlgalladda Xalinta Soo-jireenka ee Milliteriga Maraykanka, Kolonel Steve Warren ayaa shalay inay labo duqeyn ku kala dileen Muwaadiniinta haysta Dhalashadda Swedishka, inkastoo uusan sheegin xilliga rasmi ee ay dileen iyo halka ay ku dileen.
Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee Xalinta Soo-jireenka waxay la hawlgalaan Isbahaysiga Maraykanak ee duqeymaha ka geysta dalalka Iraq iyo Syria.
Muwaadinka Somali-Swedishka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Khalid Osman Tima-yare, iyo Nin kale oo asal ahaan ka soo jeeda bosniya oo haysta dhalashadad Swedishka, Harris Cary Saneen laguna naanaysi jirey Abu Zubari al-Basni.
Afhayeenka waxa uu sheegay in Khalid Osman Tima-yare ahaa Ku-xigeenka Amiirka Guutadda Anwar Cawlaki ee Kooxda Daacish, isla markaana lagu dilay duqeyn ka dhacday meel ku dhow Degmadda Ragnina ee dalka Syria.
Guutadda Anwar Cawalaki ayaa ah Dagaalyahanno ku hadli kara Luqadda Englishka, oo Hawgalo ka fuliya dalalka Iraq iyo Syria.
Khalid Osman Tima-yare ayaa la sheegay inuu xiriiro kala duwan la lahaa Dagaalamayaasha Reer Galbeedka ee ka tirsan Kooxda Daacish, wuxuuna xiriir aad u dhow la lahaa Omar Alshishaani, kaasi oo bishan 4-dii lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria.
Khalid Osman Tima-yare waxa uu dhashay sannadkii 1990-kii, wuxuuna deganaan jirey magaalladda Göteborg ee Sweden, wuxuuna ahaan jirey Ciyaartoy K/cagta, ka hor inta uusan u dhoofin dalka Syria, kuna biirin Kooxda Daacish.
Waxa uu horey uga soo muuqday Muuqaal Viedo oo ay Daacish soo bandhigtay, waxa uu ka mid yahay 9 Muwaadiniin Somali-Swedish ku biirtay Daacish, oo 2 ka mid Haween yihiin.
Sirdoonka Sweden waxay rumeysan yihiin 80 Muwaadiniin haysata dhalashaadda Swedish ku biireen Daacishta ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.
©Radio Dalsan