Nin Somali oo lagu dilay Xerada Qaxootiga Kakuma ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku so oqaadeen Xeradda Kakuma, halkaasi oo ay ku dileen Nin Somali ah, isla markaana ay ku xad-gubdeen Xaaskiisa iyo Gabadhiisa.

Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ayaa dhigay dibaadbax ay kaga soo horjeedaan falkaasi, waxayna ku eedeeyeen in Maleeshiyo ka tirsan Qabiilka Turkaana ee Kenya ka dambeeyeen dilka iyo kufsiga lagula kacay qoyska Soomaalida.

Qaxootiga dibadbaxayey waxay garaaceen Haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda Turkaanaha, kuwaasi oo Xerada ganacsi ahaan u keensaday Dhuxul.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo kuwa Turkaanaha ayaa yeeshay Kulan ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Saraakiisha Dowladda Kenya iyo xubno kale oo ka qeyb galay Wada-xaajoodka Nabadda.

Kulankaasi ayaa lagu baaqay inay dib u midoobaan Labada Mujtamac, lagana hortago dhibaato kale oo dhex marta.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor