Muwaadin Somali ku nool Dubai oo xabsi ku muteystay tuuganimo

Maxkamad ku taalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa xukun 6 bilood ah ku riday nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu dhac geystay.

Sida lagu soo daabcay Shabakadda Wararka ee www.emirates247.com  waxaa Maxkmadda Dembiyadda Heerka Koowaad ee magaalladda Dubai la hor keenay Nin Somali oo magaciisa lagu soo koobay AA iyo Nin kale oo u dhashay dalka Nigeria oo magaciisa lagu soo koobay AO, kuwaasi oo si wadajir ah u jabsaday, kana dhacay Mobaylo, Kaararka Hadalka ee Salik Cards iyo lacag kaash ah.

Dacwad-oogayaasha, waxay sheegeen inay Eedeysanayaasha si wadajir ah u dhaceen qalab lagu qiimeeyey lacag dhan 8,000 oo Dirham iyo lacag kaash oo dhamaa 6,000 oo Dirham.

Waxaa kaloo Maxkamadda laga daawaday  Muuqaalka ay Kameerooyinka CCTV ee Dukaanka ku dhegan duubeen markii ay Eedeysanayaasha  dhaca geysanayeen.

Dhinaca kale, Garsoorka Maxkamadda Dembiyadda heerka koowaad ee magaalladda Dubai , waxay Eedeysanayaasha ku riday xabsi min lix bilood iyo in loo masaafuriyo dalalkooda marka ay xukunkooda dhamaystaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor