RW Cumar Cabdirashiid oo Ugu Hambalyeeyay Shacabka Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.

“Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo aduunka dhan  looga dabaal dago, waa maalin la xuso guulaha ay soo hoyiyeen ururrada shaqaalaha; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraan iney bulshooyinkooda ka saaraan fakhriga.Waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa dhamaan shaqaalaha dowaladda iyo kuwa rayidka ah oo isugu jira rag iyo haween, waxaanna ku amaanayaa howl-karnimada ay muujiyeen iyo dadaalkooda ku aadan iney horumar gaarsiiyaan bulshadooda” ayuu yiri RW Cumar.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay iney ka go’an tahay xukuumadiisa in shaqo loo abuuro dhalinyarada ka qalin jabisay jaamacadaha, xirfadlayda iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

“Kal fadhigii golaha wasiirada ee dhacay  khamiistii la soo dhaafay waxaa lagu ansixyey sharciga lagu dhaqayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala dalka, waxaa sharcigaas qeexayaa in dadka ajaanibta ah aysan dalka ka shaqayn karin iyagoon haysan ruqsado shaqo, islamarkaan aysan qaban karin shaqo xirfadeed qof Soomaali ah uu qaban karo, taas macanaheedu waxaa weeye in mudnaanta la siiyo dadka Soomaaliyeed oo shaqo la’aantu hayso, siyaasada xukuumadu waa in loo abuuro shaqooyin aqoon yahanka iyo xirfadlayda Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Cumar

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhalinyaradu ay yihiin lafdhabartii dalka, loogana fadhiyo iney qayb muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka, ogaadaana wadan kasta oo gaaray horumar iney hormuud u yihiin dhalinyaradiisa.

“Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalkaan, shucuub kasta oo ku tilaabsatay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxaa laf-dhabar u ahaa dhalinyaradiisa, waana inaan meel uga soo wada jeedsanaa sidii dalkaan aan uga dhigi lahayn mid amaan ah, oo noo saamixi kara iney yimaadaan shirkado maalgashi ku sameeysta, si dhalinteena loogu abuuro shaqooyin”ayuu yiri RW Sharmarke

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay iney xil weyn iska saaran sidii shaqo ugu abuuri lahaayeen Ardayda ka qalin jabisay Jaamcadaha isla markaan dadka shaqaalaha u ah ugu diyaarin lahaayeen goobo caafimaad ahaan  iyo baadbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado ineysan
dhibaatooyin  soo gaarin shaqaalaha  xiliyada ay shaqada ku guda
jiraan.

—DHAMAAD—-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor