Madaxweynaha dalka Jarmalka oo booqday Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Jesiiradda Malta

Madaxweynaha dalka Jarmalka, Joachim Gauck iyo Ra’isul-wasaaraha Malta, Joseph Maskhat ayaa shalay booqday Xeradda Qaxootiga ee The Marsa Open Center ee Jesiiradda Malta, waxayna u kuur galeen xaalladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga ku jira Xeraddaasi oo ay Somaali ka mid yihiin.

Madaxdaasi waxay muddo labo saacadood joogeen Xeradda, iyagoo u kuurgalay xaalladda nololeed ee Qaxootiga iyo Fasalladda ay wax ku bartaan.

Madaxweynaha dalka Jarmalka, Joachim Gauck ayaa sheegay inay muhiim tahay in xiriir dhow laga yeesho Qaxootiga, wuxuuna Madaxda Jesiiradda Malta ku ammaanay sida ay u wajaheen Qaxootiga faraha badan ee ku soo qulqulayo Malta.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Malta u yimid si uu u indha-indheeyo qaabka ay u wajahayaan Xiisadda Qaxootiga, iyo in loo midoobo shaqada adage e Hawlaha Qaxootiga.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Malta, Joseph Maskhat waxa uu booqashadaasi ku tilmaamay mid Rajo Wanaagsan leh, isagoo xusay inay hawl adag tahay qaabilaadda Qaxootiga.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in bilaha soo socda la gaaro xalka waqtiga dhow ee Qaxootiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in hawlaha xilliga dheer ee Qaxootiga looga wada hadli doono Shirka Madaxda Europe iyo kuwa Afrika bartamaha bishaan ku yeelan doonaan Malta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jarmalak iyo Ra’isul-wasaaraha Malta waxay ka qeyb galeen Kulan ay Haweenka Soomaalida ee Qaxootiga ku ah Malta kaga hadleen khibradooda ku aadan waxyaabihii naxdinta badnaa ee ay la soo kulmeen.

JARMAL 1 JARMAL 3 JARMAL 6 jarmal

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor