Munaasabad lagu soo dhaweynayo Ciiddankaasi waxaa ka qeyb galay Danjiraha EU-da u jooga dalkaasi, Michael Reiterer iyo Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Badda ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda u jooga Xeebaha Somalia.
Xafladda waxaa lagu qabtay Markabka Dagaalka ee wax burburiya ee lagu magacaabo “Daejoyeongâ€, oo ay la socdaan 300- Askari oo u dhashay Koonfurta Kuurya, kuwaasi oo ay ku jiraan Ciiddanka quusa Badda iyo kuwa mariniska dagaalama.
Tan iyo bishii March ee sannadkii 2009-kii, ciiddanka Badda ee dalka Koonfurta Kuurya waxay Hawlgalo ka wadeen Gacanka Cadmeed, taasi oo Maraakiibta Ganacsiga ee dalkasi looga badbaadinayey weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.
©Radio Dalsan