Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa baahisay in Muwaadinkaasi lagu qabtay Hoteel uu ka degganaa magaalladda Iba ee Gobalka Zambales ee dalka Filibiin.
Hadal ka soo baxay Boliska dalka Filibiin ayaa lagu sheegay in Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Jolo Cabdi C/llaahi la qabtay, kadib, markii horey loogu jaray Amar isaga lagu baadi-goobayey.
Eedeysanaha oo shalay galab lagu qabtay Hotelkii uu degganaa ayaa la sheegay inuu haystay Bistoolad cabaysan, bam gacmeed iyo qalab kale oo laga farsameeyo Qaraxyadda, waa sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciiddanka Boliska ee dalka Filibiin.
Jolo Cabdi C/llaahi waxaa la sheegay inuu Duuliyenimo ka baranayey Akadeemiyadda Duulista Hawada ee magaalladda Basay ee dalkaasi, waxayna Dembi-baarista dalkaasi baarayaan haddii uu doonayey inuu geysto waxa loogu yeeray Weerar Argagixiso, waa sida hadalka loo dhigay.
Dowladda Filibiin waxay sheegtay inay Eedeysanaha ku soo oogi doonaan inuu si sharci-darro ah u geystay waxyaabaha qarxa.
Xigasho: XINHUA